Sida aan horey u shaacinay, taliyaha cusub ee booliiska Somalia, General Maxamed Xasan Ismaciil, waxa uu WANTED ka yahay, oo uu kasoo baxsaday dalka Canada, kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen dad uu dhibaatooyin ugu geystay Somalia.
Maxamed Xasan Ismaaciil Faarax, oo ahaa taliyihii nabad sugidda gobolka Banaadir, xilligi doowladi kacaanka, waxaa Canada looga haystaa dambiyo ay ka mid yihiin, dil, jir dil, kufsi iyo boobka hanti dadeed.
Maxamed oo markii ay dhacday dowladdii kacaanka kadib iska dhiibay dalka Canada, ayaa kasoo cararay kadib markii barnaamij ka baxay taleefishinka CBS uu baahiyey sirtiisa iyo dhibaatooyinkii uu ka geestay dalka Somalia.
Barnaamijkaas lagu magacaabo 5th ESTATE, oo baxay October 7, 1992, waxaa lagu soo qaatay General Maxamed Xasan iyo laba nin oo kale oo xlligii kacaanka dambiyo waa weyn ka geystay Somalia.
Waxaa sidoo kale barnaamijka lagu warreysanayaa qaar ka mid ah dadkii uu General Maxamed dambiyada ka galay, oo sidii ay wax u dhaceen ka sheekeenaya.
Kaddib dadaal dheer, waxaa Warbaahint u suurta gashay inay soo hesho video-ga barnaamijkaas, ku dhowaad 22 sano kadib markii la sii daayey.
Wixii markaas ka dambeeyey Jeneral Maxamed waxa uu kasoo cararay dalka Canada, waxaana illaa iyo hadda, si aad aah looga doon doonayaa dalkaasi, si loo maxkamadeeyo, waxaana uu ku dhuumanayey magaalada Nairobi.
Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, oo ay ninkan isku reer dhow yihiin, ayaa dhowaan xilka taliyaha booliiska Soomaaliya u magacaabay, isaga oo mar kale dib ugu soo celiyey dadkii uu horey u gumaaday ee reer Muqdisho iyo Soomaali ba, waana nasiib darro ku tuseysa sida Cabdi Weli uu dalka ugu ciyaarayo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com