Meydadka Soomaali si xun loogu dhex dilay Kenya xafada islii oo la helay iyo Sababta loo dilay oo la Ogaaday

Monday, July 21, 20140 comments

Warka laga helaayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya, ayaa sheegaya in Meydadka Saddex ruux oo Somali ah laga dhex helay goob lagu keydiyo Meydadka.

Meydadka Soomaalidaasi ayaa waxaa laga helay laanta dambi barista Kenya ee CID, waxaana la tilmaamayaa inuu kamid ahaa Meydadkaasi Ruux Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi maxamuud oo isagu si barer cad looga kaxeystay dukaan uu ku iibinaayay Xaafada Islii, hayeeshee raadin dheer kadib halkaasi laga helay Meydkiisa.

Meydadka kale, ayaa waxaa iyaguna loo badinayaa inay ahaayen dad ganacsato laga dilanaayay Hanti u kala tiilay meelo kale.

Meydadka Seddexdaasi ruux, ayaa waxaa ka warbixiyay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi, waxa uuna sheegay in Meydadkaasi uu ka muuqdo Ceeji, waxa uuna Tilmaamay inaysan suuragal aheyn in dilkooda loo adeegsaday Rasaas.

Xildhibaanka ayaa waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in dilka Seddexda ruux uu yahay mid looga dhacaayay hanti u taallay Bankiyo ku yaalla Magaalada Nairobi.

Dhanka kale, Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi ayaa arrinta ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna ka codsaday dowladda Kenya in ay samayso baaritaan lagu aqoonsanayo cidda ka dambeysey.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog