Wasiirka Arimaha Dibada dalka Norway horayna u ahaan jiray Wasiirka gaashaandhiga dalkaas Mr.Espen Barth Eide ayaa bilaabay in uu Soomaalida ku nool dalaas ugu tago Masaajidada ay ku cibaadeeystaan kaas oo ka faaideeysanaya fursado qaali ah.
Dhawaan dalka Norway waxaa ka bilaabmaya doorashooyinka Baarlamaanka dalkaas oo lagu wado inay dhacdo Taariikhdu marka ay tahay 12-ka bisha September ee sanadkaan 2013-ka waxaana doorashooyinkaan ka qeeyb qaadanaya Soomaali fara badan oo Sharciyada waa weyn ku leh dalka Norway.
Wasiirka Arimaha Dibada dalka Norway Mr.Espen Barth Eide iyo siyaasiin kale oo Soomaaliyeed ayaa Soomaalida dalka Noray waxay ugu tageen Masaajidka Toowfiiq ka dibna waxeey ka cod sadeen inay cododkooda siiyaan Xisbiga Shaqaalaha dalkaas.
Waa wasiirkii ugu horeeyay oo jago muhiim ah ka haya dalka Norway waliba Soomaalida ugu tago Masaajidada dhexdooda kaas oo ka codsaday Soomaalida ku nool dalkaas inay codadkooda u hibeeyaan Xisbiga Shaqaalaha dalkaas.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com