DaawonTahriibayaal gacantooda isku qaarajiyay oo xeebaha Talyaaniga gaaray & Dhimashada oo sii badaneysa

Friday, July 25, 20140 comments

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xeebaha u dhaxeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dhimashada Meeydadka la helay maalmihii ugu dambeeyay ay gaarayaan 181-qof halka dadka la soo bad baadiyay tiro ahaan lagu sheegay 842 -qofood.

Qaxootigaan cusub ee soo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga gaar ahaan Jasiirada Lampedusa ayaa waxaa lagu sheegay inay ka soo haajireen dalalka Syria , Pakistan, Nigeria , Ereteria iyo Ghana. Qaar ka mid ah Qaxootigaan ayaa gacantooda isku qaarajiyay ka dib markii ay nafta u yaabeen waliba ka baqeen inay Badweynta ku dhamaadaan.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay u badan yihiin Caruur yar yar halka dad badan oo gudaha Bada ku dhex xanuunsaday lagu tuuray Badweyta Xeebaha Talyaaniga ka dib markii ay is buurteen Tahriibayaasha waxaana Telefishinada dalka Talyaaniga laga soo daayay Tahriibayaal ka sheekeenaya dhibkii soo qabsaday.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog