Deg Deg ah. Dagaal goor dhow ka dhacay Magaalada muqdisho iyo Faah-faahin kasoo baxeyso.

Sunday, July 27, 20140 comments

War goor dhow naga soo gaaray Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia iyo Kooxda Alshabaab.

Iska hor imaadka ayaa socday ku dhawaad Hal saac, waxaana la sheegayaa inuu ka dhashay Khasaaro nafeed, kadib markii Kooxda Alshabaab ay weeraro culus ku qaaday Xarumo ay Ciidamada Dowlada halkaasi ku lahaayen.

Kooxda Alshabaab ayaa waxa ay weerar ku qaaden Sarta Ceymiska ee W/warshadaha iyo Isgooyska Towfiiq oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Federaalka Somali, waxaana la tilmaamayaa in halkaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ku dhawaad Lix ruux oo isugu jiray dhinacyada Dagaalamay iyo dad shacab ahaa.

Weerarka ayaa ahaa mid gaadmo ah oo ay Alshabaab la kawsadeen Ciidamada Dowlada, waxaana weerarkaasi faah-faahintiisa ka gaabsaday maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada ee Saldhigyada Yaaqshiid.

Weerarka ayaa waxa uu imaanayaa xilli galabta halkaasi lagu Toogtay Sargaal horay uga soo goostay Alshabaab, waxa ayna Degmada Yaaqshiid nasiib u yeelaneysaa weeraro joogta ah oo xiliyada Habeenkii lagu qaado Xarunmaha Ciidamada Dowlada.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog