Daawo Video Pope Francis oo Roma ku soo dhoweeyay Maryam Ibrahim…!

Sunday, July 27, 20140 comments

Gabadha reer Suudaan ee la sheegay in ay ka baxday Diinta Islaamka, kadibna dowladda ay ku xukuntay dil toogasho ah,  ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay iyada iyo familkeeda garoonka ciidamada Talyaaniga leeyihiin oo ku yaal Roma.

Maryan Ibrahim oo mudadii ay xerneyd ku dhex umushay xabsiga dhexdiisa ayaa dowladda Talyaaniga waxay u dirtay diyaaradda kasoo qaatay Suudaan, iyadoo si magangelyo leh ugu ugu sugneyd Safaarada Mareykanka ee Suudaan maadaama ninkeeda uu haysto dhalashada Mareykanka.

Maryan ayaa waxaa ay la kulantay Hoggaamiyaha Vatican ee diinta Masiixiga  Pope Francis , isagoo gacmahiisa dul saaray madaxeeda iyada iyo cunuga ay ku dhex dhashay xabsiga, taasoo ka dhigan duco uu u duceeyay ama ay barakeysan tahay waa sida ay aaminsan yihiin dadka Vaticanka

Maryan Ibrahim oo 27 sano jir ah ayaa waxaa qaba  Daniel Wani oo haysta diinta Masiixiga kana soo jeeda koonfurta dalka Sudan. waxay Roma sii joogi doonaan maalmo.

Dadka Roma kusoo dhoweeyay Maryan waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, xaaskiisa Agnese iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Federica Mogherini.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog