Deg Deg ah. Dagaalka Madaxtooyada oo sii xoogeystay iyo Qaraxyo laga maqlaayo gudaha iyo Banaanka Madaxtooyada.

Wednesday, July 9, 20140 comments

Waraa la maqlayaa Qaraxyo xoogan iyo Rasaas ka dhaceysa gudaha iyo banaanka Madaxtooyada Somalia ka gadaal markii Kooxo ka tirsan Alshabaab ay dhex galeen Madaxtooyada Somalia.

Alshabaab ku labisan Dareeska Ciidamada ayaa la sheegayaa inay kasoo galeen dhanka Boondheere, waxa ayna marka hore weerarka ku bilaabeen Qaraxyo ismiidaamin ah, iyadoona ay xigtay Rasaas iyo Hubka waaweyn.

Wararka naga soo gaarayo Madaxtooyada waxa ay tibaaxayaan in Kooxda ay usoo durqeen dhanka Madaxtooyada weerar xoogiisuna uu ka socdo albaabka hore ee Madaxtooyada laga soo galo dhanka Boondheere illaa iyo dhex bartanka Madaxtooyada waxa ayna wararku intaa ku darayaan in Weli uu socdo Dagaalka lana maqlaayo Qaraxyo xoogan.

Lama sheegi karo Khasaaraha dhimasho iyo dhawac, waxa ayna warar hoose sheegayaan in inta badan qaraxyada lagu furanaayay Albaabada iyo Jegbuuntiyada.
Lasoco wixii dheeri ah wararkeena dambe












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog