Djibouti oo Ciidamo halis ah usoo direysa Dalka Somalia (Meeqo ayay gaarayaan)

Thursday, July 17, 20140 comments

Sida lagu qoray Warbaahinta Dalka Djibouti, Wasaarada Gaashandhiga Dalkaasi ayaa wado qorsho lagu doonaayo in lagu kordhiyo Ciidamada Dalkaasi ka jooga Somalia.

Wasaarada Gaashandhiga Dowladda Djibouti ayaa qorsheynaysa in Ciidamo Dheeraad ah usoo dirto dalka Soomaaliya, si ay u jiijiso ku dhawaad kun Askari oo kaga sugan Gobolka Hiiraan.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Djibouti ay awoodeeda ugu badan xiligaani ku bixineyso sida looga itaal roonaan lahaa Xoogaga Alshabaab oo Dagaal kula jiro Dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale, Maxa'uud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Djibouti ayaa sidoo kale shaaciyay in dalkiisa uu Ciidamo ah usoo dirayo Soomaaliya kuwaasi oo gaaraya illaa Sagaal Boqol iyo Konton.

"Dowlada Djibouti wey ka go’an tahay inay kor dhiso Ciidamada ka jooga Somalia, si looga itaal Alshabaab waxaana Somalia dhawan gaarsiin doona 950 Askari oo tagaya Degmooyinkii dhawaan laga saaraya Kooxda Al shabaab ee Beledweyne iyo Buulo Burde Gobolka Hiiraan," ayuu yiri Maxa'uud Cali Yuusuf.

Dhanka kale, Ciidamada Djibouti waxa ay qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM kuwaasi oo inta badan fariisimo kala duwan ka sameystay Gobolada Dalka, waxa ayna kuwa lasoo wado ku biiri doonaan kuwa iminka Jabuuti ka jooga Gobolka Hiiraan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog