Diyaarado badan oo ku bur buray Dagaal kasocda Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Tripoli (Daawo Sawirada)

Thursday, July 17, 20140 comments

Magaalada Tripoli ee Caasimada Dalka Liibiya waxaa kasocda dagaal culus oo u dhaxeeya Maleeshiyaad hubeesan kuwaa oo ku dagaalamaya gacan ku heynta goobo muhiim ah ay ku jirto Garoonka Diyaaradaha.

Maleeshiyaadka Zintan oo gacanta ku haya Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Tripoli ayaa dagaal culus kadib dib u riixay maleeshiyaadkii misrata ee weerarada kusoo qaaday.

Dagaalka kasocda Caasimada Liibiya ayaa dhaliyay qasaarooyin xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya iyo waliba dadka rayidka ah.

In ka badan 10-Diyaaradood oo yaalay Airporka Caalamiga ee Tripoli ayaa ku bur buray duqeymaha ay is dhaafsanyeen dhinacyada dagalaamayay, waxaana wali xiran Garoonka Caalamiga ee Tripoli.

Magaalada Tripoli ayaa ka go'oonsan caalamka inteeda kale maadama uu xiran yahay Garoonkii ugu weynaa ee Diyaaradaha adeegsan jireen , waxaana wali si rasmi ah loo ogeyn xiliga uu furmi doono garoonka















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog