Warka laga helaayo Duleedka Degmada Marka ee G/Sh/hoose, ayaa sheegaya in Ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Somalia ay ku dagaalameen halkaasi.
Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu dhacay Habeenimadii xalay, waxaana kasoo baxaayo warar kala duwan oo sheegaya in Dagaalka uu u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan DFS, halka war kaasi khilaafsana uu sheegayo in Dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda.
Saraakiisha Laamaha Ammaanka G/Sh/hoose, ayaa dhankooda sheegay in Dagaalka uu ahaa mid kala dhaxeeyay Alshabaab, balse uusan aheyn mid iyaga u dhexeeyay, waxa uuna Tilmaamay inay halkaasi ku dileen dagaalyahaano Alshabaab ah.
Inta la xaqiijiyay Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Laba ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii Dagaalamaayay, mana jirto faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxay dhanka Saraakiisha Dowladda ee G/Sh/hoose.
Dagaalada noocaani ah ayaa waxa ay inta badan kusoo laa-laabtan G/Sh/hoose, mana muuqato talaabo ay Dowlada Federaalka wax uga qabaneyso.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com