Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Xarakada AL-Shabaab ayaa dhoolo tus ciidan waxa ay ku sameeyeen Deegaanka Buulo Mareer ee katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhoola tuska ay Al-Shabaab ka sameeyeen Buulo Mareer ayey uga gon lahaayeen in ay soo bandhigaan awoodooda ciidan , waxa ayna socod ku mareen dagaalyahano aad u hubeesan qaar kamid ah Wadooyinka Buulo Mareer.
Al-Shabaab ayaa muujineysa in wali ay awood leedahay ayna heesato ciidan badan oo u dagaalama , waxaana sidan oo kale Al-Shabaab dhuulo tus uga sameeyeen deegaano kale oo gacantooda ku jira oo katirsan aaar kamid ah Gobolada Dalka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com