Fiirso Muuqaal ahaan qaabkii uu u dhacay Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay afar nin oo katirsanaa Al-Shabaab

Thursday, July 24, 20140 comments

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay afar Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Afarta ruux ee dilka lagu fuliyay ayaa waxaa kamid ah Ruuxii Qaraxa ka fulinaayay Hotelka Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho iyo Seddex ruux oo labo kamid ah dil u geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

Xukunka dilka Afartaan nin ee Al-Shabaab ka tirsanaa, ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha weyn ee School Polozio ee Magaalada Muqdisho, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen Saraakiisha sar sare ee maxkamada ciidamada qalabka sida.

Caawiye Axmed Jaamac waxaa lagu helay in uu katirsanaa Xarakada Al-Shabaab uuna ka dambeeyay Qarax Sanadkii hore ka dhacay gudaha Hotelka Maka Al-Mukarama ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

Mustaf Maxamed Shidane iyo Cabdi Naasir Khaliif Maxamed ayaa Maxkamada Ciidanka qalabka sida waxa ay ku heshay in ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab ayna ka dambeeyeen dil loo geestay askari katirsanaa Ciidanka Dowlada.

Ninka afaraad oo ah Nuur Cabdulle Cawaale ayaa isna lagu helay in uu kamid ahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab , waxaana ninkan lagu qabtay Degmada Dyaniile isaga oo wata qori Nuuca Hobaaiyaha garabka laga tuuro.

Sidoo kale, Dilka Afarta Ruux ayaa waxa uu imaanaya iyadoo Asbuuc ka hor ay Maxkamadu toogatay Labad ruux oo iyagu dil u geystay Gabar Ardayad ah oo lagu magacaabi jiray Nafiso, waxaana maanta oo Khamiis ah xigay dilka Afarta Ruux.

Dhanka akale, Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Tuur yare ayaa isagu dar-dargalinaayo xukunada lagu fulinayo raga ka tirsan Al-Shabaab, waxa ayna imaaneysa xilli uu shaaciyay in muddo Seddex maalin aysan qaadan doonin dilka ruuxii lagu helo inuu dil geystay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog