Waxaa la joojiyay ciyaar kamid ahayd kuwa kulamada saaxiibtinimo ay ciyaaraysay kooxda reer Israa'iil ee Maccabi Haifa oo kulamo saaxiibtinimo la ciyaaraysay kooxda reer France ee Lille kulankaasi oo ka dhacayay dalka Austria kadib markii tageerayaal caraysaysan oo reer Falastiin ah ay garoonka soo galeen iyaga oo feer ku bilaabay xidigihii kooxda reer Israa'iil.
Ciyaarta ayaa waxaa ay maraysay iyada oo Lille ku hogaaminayso 2-0 balse taageerayaal loo maleenaayo in ay asal ahaan Turki yihiin ayaa garoonka soo galay waxaana ay dagaal kula dhaqaaqeen xidigihii kooxda Maccabi.
Macalinka kooxda Maccabi Aleksandar Stanojevic ayaa waxaa uu sheegay in uu ka xunyahay wixii dhacay.
Dhanka kale sadexdii garsoore ee ciyaarta ayaa iyaga dhankooda kala celinayay labada dhinac maadaama xidigaha iyagaba ay dagaalka qayb ka ahaayeen oo ay is difaacayeen.
Sikastaba Ciidamada Israa'iil ayaa wali wada xasuuqa iyo duqeymaha ay ka geysanayaan marinka Gaza oo ay ku dilayaan shacabka reer falastiin taasi ayaana keentay in ay carro badan ka dhaliso shacabka islaamka.
Bishii lasoo dhaafay xiriirka kubadda cagta ee yurub UEFA ayaa ku dhawaaqay in aanu dhulka Israa'iil lagu ciayari doonin wax kulan ah oo tartamada yurub ah maadaama dhanka amaanka aanu wanaagsanayn.
W/D Cabdulaahi Xasan Suleman (Baliil)
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com