Xulshada Mustaqbalkaga dhabta ah marka laga xulanayo qof waliba waxa uu leeyahay Dookh isaga gaar u ah balse waxaa jira waxyaabo guud oo haweenka lagu xusho Guurka Ka Hor Inta Aan La Guursan waxaana kamid ah:-
1- Ugu Horeyn waxaa wanaagsan inaad Gabadha aad guursanaysid ka eegto Dhanka Diinta waayo Awlaadaadu labada mar oo ay xaqa kugu leeyihiin waa Dhalashadooda kahor iyo marka ay dhashaan, waxaana wanaagsan inaad Hooyo wanaagsan u doorto una hiiliso Awlaadaada mustaqbalka.Hadii Uu Rabi Ku Saamaxo Nolashaas.
2- Sumcad Iyo Sharafteeda waxa ay kamid tahay waxyaabaha lagu doorto Haweeneyda waqtiga guurka waayo hadii aad Xulato gabadh reerkoodu Daciif yihiin aysan ku wanaagsaneen diinta iyo Dhaqankaba Beri caruurtaadu waxa ay noqon doonaan kuwa la yaso.oo Raaca dhaqan Xumada Gabadha Reerkooda ulamana jeedo yasmada iyo daciifnimada mida xumaanta badan ee qabyaalada ku salaysan oo qabiilada qaar xumaanta loo tiiriyo waxaan aamin sanahay saxna ah in qabiil uusan qabiil ka sareynin shaqsina uu shaqsi ka sareynin ilaa alle ka cabsi mooyee .
3- Kartida waa mid muhiim ah waayo Haweeneey isku filan kartina leh waxa ay beri Noqon kartaa mid Caruurtaada wax badan u tarta kuna tabin si walbood uga dheeraato inkastoo aysan wanaagsaneen Arintaas.
4- dabci wanaagsan iyo dulqaad : waa muhiim in gabadha aad guursaneysid aad ka imtixaanto in ay dulqaad leedahay iyo in kale si aad u ogaato sida ay beri kuugu dulqaadan karto gabadhan aad jecleysatay inaad isla martaan safarka dheer ee nolosha .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com