Labo Gabdhood Soomaali ah oo Dalka Siiriya ku guursaday Dagaalyahano katirsan kooxda ISIS (Daawo Sawirada)

Sunday, July 27, 20140 comments

Warbaahinta Dalka Ingiriiska ayaa qoray Warbixin ku saabsan labo gabdhood oo Mataano ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Soomaaliya balse heesta dhalashada Dalka Ingiriiska oo lagu guursaday Dalka Siiriya .

Salma Xalane iyo Sahro Xalane oo ah Mataano 16-sano jiro ah, Sadax isbuuc kahorna la sheegay in ay ka dhuunteen gurigooda oo kuyaala Mancheter Dalka Ingiriiska ayaa xiligan waxa ay ku sugan yihiin Dalka Siiriya gaar ahaan goobaha ay maamulaan Kooxda ISIS .

Sida ay qorayaan Warbaahinta Dalka Ingiriiska Gabdhahan ayaa dagaalada kasocda Dalka Siiriya waxa ay kula biireen walaalkood ka weyn oo horey ugu sugnaa dalka siiriya kana mid ahaa Xoogaga Islaamiyiinta ah ee ISIS.

Gabdhahan ayaa Warbaahinta Dalka Ingiriiska waxa ay sheegeen in ay guursadeen labo nin oo katirsan dagaalyaanada ka dagaalamaya Dalka Siiriya , waxa ayna xiligan baranayaan gabdhahan qaabka loo rido qoryahah sida AK-47.

Mid kamid ah Gabdhahan asalkoodu Soomaaliga yahay kuna biiray Xoogaga Isaamiyiinta ISIS ayaa guursatay nin heesta dhalashada Dalka Ingiriiska hasa ahaatee asalkiisu yahay Afgaanistan sida ay baahisay BBC Newsnight.

Labadan Gabdhood oo wax ka baranayay Iskuul ku yaala Dalka Ingiriiska ayaa mar qura laga waayay gurigooda waxaana soo baxay in ay u duuleen Dalka Turkiga ay kaga sii gudbeen dalka Siiriya oo hada la xaqiijiyay in ay kusugan yihiin kuna biireen Kooxda ISIS ee ka dagaalnat Ciraaq iyo Siiriya.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog