Fiirso Faroole “dilka Saado Cali Warsame waxaa ka dambeeyay……

Sunday, July 27, 20140 comments

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdi Raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay allaha unaxariistee xildhibaan Saado Cali Warsame oo kamid ahayd barlamaanka Soomaaliya, taas oo shalay koox hubaysan ay ku toogteen Muqdisho.

Dr, Cabdi Raxmaan Faroole ayaa dilka xildhibaanada ku sifeeyay mid siyaasadaysan oo lagu doonayo in lagu baab’iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Dilkaas arxan la’aanta ah oo dhiigyo cabyadu ka dambeeyaan waa mid lagula dagaalmayo midnimada Soomaaliya iyo iskusoo noqoshadeeda,” ayuu yiri Faroole.

Madaxweynihii ee Puntland ayaa sheegay allaha unaxariistee Saado inay ahayd fanaanad aftahan ah oo fikirkeeda siyaasadeed hadba sida uu yahay ku sheegta Suugaanteeda,Wuxuuna Eebbe uga baryay inuu janadii fardowso ka waraabiyo.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog