Waxaa shalay lagu qabtay Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Muqdisho kulankii todobaadlaha ahaa ee ay sabti walba yeeshaan Maamulka G/Banaadir kaasi oo ay ka soo qayb galeen Gudoomiyayaasha degmooyinka Maamulka G/Banaadir .
Kulanka oo uu shir Gudoominayay Ku Simaha Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane, Maxamed Aadan Guuleed ‘Caana-geel’ ayaa looga hadlay qodobo badan sida.Amni darida ku soo korartay Caasimadda,Nadaafada iyo saameynta roobabka.
ugu horeyn waxa kulanka lagu falaynqeeyay xaladaha amni daro ee ku soo kordhay Caasimada Muqdisho maalmahan,iyadoo lays la qaatay qaabki loo adkeyn lahaa loogana hortigi falal danbiyeed bisha Ramadaan ku soo kordhay Magaalada.
Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay in Nadaafada wax laga qabto maadaama ay maalmahan roobab da’ayeen ayna tahay in la kordhiyo hawlaha Nadaafadeed ee Caasimadda, waaxyaha degmo kastana lagu wargeliyo inay la shaqeeyaan shirkadaha ku shaqada leh nadaafada .
Degmoyinka ayaa loo jeediyay inay hubiyaan in shirkadaha loo xilsaaray ay naadiyaan wadada laamiga ah ee u dhow degma kasta.sidoo kale wadooyinka halbowlaha u ah Magaalada sida wadada Maka al-mukarama in nadaafadeeda ay xaqiijiyaan degmooyinka ku teedsan .
Ugu dambeyn in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo degmooyinka Roobabka ay sameeynta ku yeesheen gaar ahaan goobaha ay dagan yihiin dadka Barakacayaasha ah.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com


