Xog: Qarax waliba ee ka dhaca Muqdisho oo sababa Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha (Xog Baaris ku Saabsan Arinkaas)

Sunday, July 6, 20140 comments

Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijinaayo in Qaraxii labaad ee lala damacsanaa Xarunta Baarlamaanka uu dhaliyay Khilaaf hor leh oo mar kale ka dhex dhashay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh.

Khilaafyada Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Dalka ayaa badi waxa uu ka dhashaa Qaraxyada ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarumaha Dowlada, waxaana iminka jiro warar hoose oo sheegaya in Qaraxii labaad ee lala damacsanaa Xarunta Baarlamaanka uu dhaliyay kala ir-dhoobida Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.

Warar hoose ayaa sheegaya in La-taliyayaasha Madaxweynaha ay Xassan Sheekh ugu baaqeen inuu xilka ka qaado Ra’isulwasaare C/weli isagoona lagula taliyay inuu dhici taankiisa u adeegsado Mooshinada ka imaada dhanka Golaha Baarlamaanka.

Madaxweyne Xassan ayaa Qaraxii koowaad oo ay Alshabaab ku galeen Xarunta Baarlamaanka damacsanaa inuu xilka kawada qaado Ra’isulwasaaraha illaa iyo Wasiirada,Saraakiisha Ammaanka, hayeeshee waxaa maalmo kadib lagula taliyay inuusan ku degdegin Xil ka qaadista.

Waxaa hadda kacsan Xaaladda Siyaasadeed ee u dhaxeyso Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Xilka laga xayuubin doono RW-ha iyo Taliyaha Boliska, Halka Saraakiisha Laamaha Ammaanka iyaguna lagu sameyn doono isku bedel, wallow aan la garaneynin xiliga uu ahaan Doono damacaasi Siyaasadeed ee lasoo daresay Madaxweyne Xassan.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog