Muqdisho oo yeelatay Hoggaamiyo Kooxeedyo Cusub oo ka faracmay Dowlada hadda ka Jirta Dalka!!

Friday, July 4, 20140 comments

Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Saraakiisha Ammaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa sheegaya in Magaalada Muqdisho ay ka dilaaceen Hoggaamiyo kooxeedyo cusub oo ka faracmay Xukuumada Somalia.

Hoggaamiyayaasha oo qeybo badan ka kooban ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka xilalka laga qaaday, Saraakiishii laga rusqeeyay Shaqada iyo Mooryaan kulabisan dareeska Ciidamada oo lagu taxay darajooyin, waxaana la sheegayaa inay yihiin kuwa qalqal galiya Ammaanka Muqdisho.

Hoggaamiyayaashaani ayaa iyagu wato shaatiyo Dowladeed, Ciidamo iyo Gawaari nooca ugu dambeeyay waxa ayna inta badan xiliyada habeenkii ku gaafwareegaan Xaafadaha qaar, iyagoona badi la sheegay inay wax ka Ogyihiin dilalka iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Dowlada Somalia ayaan weli ku baraarugin Awoodaha hoose oo ka hoos shaqeynaayo, waxaana inta badan naas-nuujinaayo Saraakiil ciidan iyo weliba Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan DFS.

Dhanka kale, Weerarada, dilalka iyo Dhaca iminka ka dilaacay Magaalada Muqdisho ayaa iyagu ah kuwa salka ku haayo ku dheelida sumcada Dowlada, gaar ahaan waxa ay ku dheelayaan Ammaanka Degmooyinka. 









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog