Ninkii Al-Shabaab u fududeeyay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Thursday, July 10, 20140 comments

Hay’ada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay nin la sheegay in uu ka shaqeenayay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya uuna qeyb ka ahaa ragii weeraray Xarunta Madaxtooyada Habeen hore .

Ninkan la sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab uuna qeyb ka ahaa Weerarkii habeen hore lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Xasan Muxudiin , waxa uuna ninkan ka shaqeenayay xarun Isgaarsiin oo kutaal gudaha Madaxtooyada.

Xasan Muxudiin uu dhalay Imaamka Masjidka Madaxtooyada ayaa ahaa wadihii gaariga loo adeegsaday Weerarkii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya , waxaana ninkan weerarkaasi kasoo gaaray dhaawac fudud halka la toogtay sadaxdii nin kale ee weerarka la fuliyay.

Ninkan hada gacanta ugu jira Hay’ada Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ayaa qirtay in uu xariir la lahaa AL-Shabaab uuna siin jiray xogo badan oo ku aadan Madaxtooyada gaar ahaan xiliyada Salaada la dukado iyo halka ay Wasiirada iyo madaxda kale dhigtaan gaadiidkooda.

Xasan Muxudiin ayaa sheegay in Al-Shabaab xiriir qoto dheer kala dhaxeeyay ayna u iibiyeen gaariga Nohada ah ee lagu fuliyay weerarka , waxa uu sidoo kale xusay in uu Mushaar ahaan Bishii Al-Shabaab ka qaadan jiray lacag dhan 200-Dollar taa badalkeedana uu isna si toos ah xogaha uu Madaxtooyada ka hayo u gudbin jiray.

Warbaahinta Dowlada ayaa sheegtay in ninkan hada gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada ay qoyskiisa u badan yihiin dad katirsan Al-Shabaab , waxa ayna Warbaahinta tabisay in ninkan labo nin oo la dhalatay ay dhinteen iyaga oo ka bar bar dagaalamaya Al-Shabaab.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa sidoo kale xabsiga dhigay su’aalana weediinaya Imaamka Masidka ku dhax yaala Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo la sheegay in uu dhalay wiilkan hada loo heesto in uu maleegay Weerarka lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog