Video: Daawo Argagax iyo kala Carar ka dhacay Goob Xaflad Aroos ay ku dhiganayeen Lamaanayaal Yahuud ah

Thursday, July 10, 20140 comments

Argagax iyo kala carar ayaa mar qura ka dhacay goob ay Xaflad Aroos ku dhiganayeen Lamaanayaal u dhashay Israa’iil, kadib markii Koodxa Xamaas ay gantaalo kusoo garaacday xaafad uu aroosku ka socday.

Xaflada Arooska lagu kala cararay ayaa ka dhaceysay magaalada xeebta ku taala Israel ee Haifa, waxaana la sheegay in Kooxda Xamaas ee fadhigeedu yahay Marinka Gaza ee dhulka Falastiin in gantaalo badan kusoo garaaceen Magaaladaasi .

Warbaahinta Israa’il ayaa shalay soo bandhigay Muuqaalo laga qaaday Goobta Xaflada Arooska uu kasocday oo mar qura dadkii ku sugnaa ay argagaxeen ayna bilaabeen in ay ka caraan Xaflada Arooska ay u yimaadeen in ay ka qeyb galaan.

Kala cararka ayaa bilowday kadib markii uu yeeray Dhawaqa kadiga Gantaalaha , waxaana xiligaasi kadib la arkay Madaafiic dul mareysa goobta xaflada aroosku ka socotay , waxaana lagu kala dareeray xaflada arooska iyada oon dhamaan.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog