Safiirka Dowladda Somalia u fadhiya dalka Qatar Amb Omar Idiris ayaa bogiisa Facebook ku daabacay qormo uu ugu magac daray SEDEX SHEEKO OO DHABA?
Safiirka wuxuu faafiyay sheekadii ugu horeeysay sedexdiisa sheeko,wuxuuna u qoray sidaan:-
IBRAAHIM AXMED FAARAX (Tarraweyne) Allaha u naxariistee waxaa lagu diley Xamar Isniinti la soo dhaafay 14/7/2014. Laba bilood ka hor: May ayuu igu soo booqdey meeshaan ka daganaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ii sheegey qisadan: "Nin Shabaab ah ayey Nabadsugiddu soo qabatey, waan wareystey, 60 bog ayaan ka qorey, nin wax qariya ma'aheyn, gaala tihiin dhamaantiin, gaalka idiin ku weynna waa Xasan Sheekh (Madaxweynaha qaranka) ayuu igu yidhi, waxaad iga qaadi kartaana malahan, intaan noolaheyna inaan Xasan Sheekh dilo ayaan ku dadaali doonaa, ayuu dhahey. Meel Alqaacida ay joogta oo uusan ka soo dagaalamin wey yareyd, dhowr dowladood ayuu listiga ay raadinayaan ugu jirey.
Nin xildhibaana oo ii sheegtey inuu xubin ka yahey Gudiga Amniga ee Baarlamaanka ayaa taleefan ii soo direy, ninkaas adeer ayaan u ahey, anigaa soo koriyey maskaxdiisana ash maaha, sidaasi darteeda waxyaalaha uu kuu sheegay sax maaha, ayuu igu yidhi. Sidaas awgeeda waxaan kaa codsanayaa inaad soo deysid. Markaan taleefanka ku qancin kari waayey ayaan ii imow ku idhi, markuu ii yimid ayaan shaah u shubey, warqad iyo qalinna soo qaatey
su'aalihii aan ninkii Shabaabka ahaa weydiiyey ee nolashiisa guud ku saabsanaa ayaan weydiiyey isaga, hal su'aal oo ay iska waafaqaan waan waayey, markaasaan ku idhi, inkastood adeer u tahey, ninkan ma taqaanid, waa nin khatara, qofka ugu horreeya ee uu khatarta ku yaheyna waa adiga waayo qaraabanimo ayuu gurigaaga ku iman karaa wuuna ku dili.
Xildhibaanki isagoonan qanacsaneyn ayuu iga tagey. Dhowr bari ka dib waxaan ogaadey in madaxdii iga sarreysey ee NabadSugidda ay ninki siidaayeen iyagoonan i ogeysiinin xitaa sida sharciga uu dhigayo, maadaama aan arrintiisa gacan ku hayey".
Gabagabadii yaa diley Ibraahim (Tarraweyne)? Ma nin khatarta ahaa ee wajigiisa bartey ee la siidaayey baa diley? Mise cid kale? Hadduuse isagi diley, xildhibaanki adeerkii ahaa iyo madaxdii nabad sugidda ee sii deysey intee in le'eg ayey danbigan ku leeyihiin? Meeqaase Ibraahim hortii sidan oo kale ku dhimatey ama gadaashii ku dhiman doonto?
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com