Daawo Muuqaal "Quburo caalami ah oo gaaray goobtii Diyaarada Malaysia lagu soo riday & Mucjisooyin lagu soo arkay !!
Quburada dhanka baaritaanada ugu qatarsan Qaarada Yurub ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (OSZE) ayaa waxay gaareen goobtii lagu soo riday Diyaaradii reer Malaysia oo ay ku dhinteen dad rakaab ah oo tiradooda lagu sheegay ku dhawaad 300 oo qof.
Deegaanka diyaarada ku soo dhacday ee dalka Ukraine ayaa waxaa ka taliya kooxo mucaarad ah oo ka soo hor jeeda dowlada Ukraine kuwaas oo lagu magacaabo (Separatisten) ama la magac baxay The Donetsk People's Republic (DPR) waana kooxda iminka lagu eedeeyay inay Diyaaradaan la dhaceen Gantaal rido dheer oo ugu tagay hawada sare .
Diyaaradaan oo ka timid magaalada Amsterdam ee dalka Holland waxay ku sii jeeday caasimada wadanka Malaysia ee Kuala Lumpur waxaana sidoo kale saarnaa oo ku geeriyooday 80 Caruur ah oo u kala dhashay wadamada Holland & Australia .
Meel ka fog 10-Km halkii ay Diyaarada ku dhacday ayaa waxaa laga soo aruuriyay qalabkii ay wateen Rakaabkii diyaarada saarnaa sida Boorsooyin, Kabo, Kumbuyiitaro Laptop ah iyo Baasabooradii dadkii Diyaarada ku halaagsamay oo beero iyo guryo dushooda ku daatay.
Dadka ku dhamaaday Diyaarada Malaysia Airlines ee Boeing 777 ayaa qaarkood waxaa durbadiiba la soo bandhigay wadamadii ay u kala dhasheen waxeeyna kala yihiin 158-Qof (Holland), 43-Qof (Malaysia) , 27-Qof (Australia) , 12-Qof (Indonesia) , 9-Qof (Ingiriis) , 4-Qof (Jarmal), 4-Qof (Beljem) , 3-Qof (Philipines) iyo 1-Qof (Canada), 41-Qof oo kale ayaa lagu sheegay inay ka yimaadeen Mareeykanka iyo dalal kale oo magacyadooda weli aanan la shaacin .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com