Sawiro: Shaqo Looga Baahnaa dowlada oo Al-shabaab aay Qabatay Soona Bandhigtay

Tuesday, July 1, 20140 comments

Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Magaalada Baraawe waxa ay ka fureen Xarun loogu tala galay in lagu xanaaneeyo caruurta yar yar ee ku dayacan Deegaanada Al-Shabaab ka maamulaan Gobolkaasi.

Xarunta Al-Shabaab ee Degmada Baraawe ka hirgaliyeen waxaa loogu Magac daray Al-Amal , waxaana munaasabad balaaran oo xaruntaasi lagu furayay kasoo qeyb galay kana hadlay Saraakiil iyo Culumaa’udiin katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ooka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in furitaanka xaruntaan ay uga gon leeyihiin sidii loogu dhaqan celin lahaa caruurta dib jirka ah ee noqday Caseeyaha iyo dadka kale ee dhaqan doorsoomay.

Abuu Cabdalla ayaa sidoo kale tilmaamay in xarunta Al-Amal ay fursad u siineyso in lagu dhaqan celiyo dadka Qurbaha ku soo halaabay ,kuwaa uu sheegay in fasahaad iyo fiqsi ay ka wadaan Magaalada Muqdisho .

Al-Shabaab ayaa Deegaanada ay kataliyaan waxa ay ka furan Xarumo caruurta iyo dadka kalaba lagu baro cilmiga , waxa ay sidoo kale furaan goobo kale oo dhalinyarada lagu baro qaabka dagaalka si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog