Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay weerar u muuqday mid qorsheesan waxa ay ku qaadeen guri uu Deegaanka Shalambood ee Gobolka Sh/hoose kadagnaa Sargaal katirsan Maamulka Gobolka.
Weerar Masuuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe waxaa lagu qaaday guri uu Deegaanka Shalaambood ka dagnaa Aadan Deerow oo ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Danow ee Gobolka Sh/Hoose.
Inta la xaqiijiyay weerarka Dagaalyahanada Al-Shabaab ku qaadeen guriga ku yaala Deegaanka Shalaambood waxaa lagu dilay Aadan Deerow oo bartilmaameedku ahaa iyo sadax askari oo ilaalo u aheed .
Dhinaca Kale Maamulka Deegaanka Shalaabood ayaa xaqiijiyay weerarka xalay lagu qaaday guri kuyaala Deegaankaasi , waxa uuna sheegay gudoomiyaha Deegaankaasi in weerarkaasi lagu dilay afar askari oo katirsanaa Ciidanka Dowlada.
Al-Shabaab ayaa mararka qaar dilal iyo weeraro qorsheesan waxa ay ka fuliyaan Magaalooyinka iyo Deegaanada ay maamusho Dowlada Federaalka Soomaaliya
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com