Xasan Sheekh oo Qoraal Qarsoodi Shaki badan abuuraya u diray Qaramada Midoobay

Sunday, July 13, 20140 comments

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa u gudbiyay Qaramada Midoobay qoraal ku taariikhaysan sida warqadaha ay muujinayaan bishii june 30 2014 qoraalkaas oo la xariira Badda Soomaaliya kana hor imaanaya ama ogolaanayaba in dib u eegis lagu sameeeyo Sharciga badda Soomaaliya ee Law 37 ee xadaynaya badda Soomaaliya guud ahaanteed kaas oo la meelmariyay sanadkii 1972.

Qoraalka oo ahaa Mid uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa u qornaa in aaga ama Zoneka gaarka ah ee dhaqaalaha badda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay 200 Nautical Miles oo ah cabirka lagu cabiro baaxaada Biyaha Soomaaliya Sidoo kale qoraaladda kama hadlayaan ama ma muujinayaan kordhintii badda Soomaaliya ee ahayd 350 mayl-badeed.

Qoraalka oo ay la socdaan bogag badan ayaa ku saabsan laguna qeexay loolka badda Soomaaliya ay leedahay walow aysan jirin bartilmaameedyo si fudud loogu fahmi karo.

Qoraalka ayaaa sidoo kale waxaa lagu yiri anagoo tixgalineyna Sharciga ku taariikhaysan law 5 26 bishii January 1989 ee lagu ansixiyay sharciga badda Soomaaliya waxaa dowlada jamhuuriyada Federaalka waajib ka saaran yahay ilaalinta noolaha iyo manoolaha badda iyo qayraadka badda Soomaaliya.

Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Soomaaliya uu Qaramada Midoobay u gudbiyay.

Warqadaha Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu yiri dowladda Soomaaliya waxa ay


diyaar u taahy in ay wadahadal kala furto arrimaha badda cid kasta oo muran galisa zonka ama xadka badda Soomaaliya si dib u eegis loogu sameeyo zone ama xad badeedka Soomaaliya ay leedahay.

Warbixintii horay ay kooxda Contact Group ee UN-ka ee soo saartay 12-kii July sanadkii 2013 ayaa si qeexan loogu sheegay ujeedada ka dambaysay in badda Soomaaliya la soo koobo iyo in loo ololaynayey EEZ, arrintaas warbixintu waxay ka tiri “Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee habka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka Soomaaliya.

Hadii xilligan dowldada federaalka Soomaaliya ay warqado u dirtay Qaramada Midoobay ogolaanaya in dowlada ay diyaar u tahay in wadahadal ay ka gasho Xuduud badeedka Soomaaliya waxa ay arintan noqonaysaa mid dowladdu uusan baarlamaanka Soomaaliya la ogayn meelna marin waxa ayna arrintan fursad u siinaysaan Kenya in mar labaad hamigeeda iyo shaki galinta badda Soomaliya ay si fudud u gaarto











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog