Tarsan oo Baraha Bulshada kusoo daabac qoraal uu kaga hadlaayay Dhibaatooyinka ka taagan Masjidyada Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay tahay mid looga kala guuray Cabsi laga qabo Kooxad Alshabaab.
Mohamud Ahmed Nur Tarsan waxa uu Tilmaamay in xiligii uu haayay Xilka Gobolka Banaadir aysan u suura galin inuu u cibaado doonto Masjidyada lagu cibaadeysto, wuxuun sheegay inuu uga cabsi qabay Kooxda Alshabaab oo uu ku sheegay inay ku dhuumaleysta goobaha cibaadada iyo Bulshada.
Qoraalka uu Tarsan kusoo daabacay Baraha bulshada gaar ahaan Faceboogiisa ayaa waxa uu u qornaa ‘’Saacadu waa 00:32 saqdii dhexe oo habeenimo, waxaan ka soo noqdey salaadii cishaha iyo taraawiixda, waxaan ku sugneyn xasilooni iyo degenaan.Wadankeygiina Masaajidada waxaa looga kala tegay cabsi iyo walwalka Alshabaab, gaar ahaan Salaadda subax iyo Mida cishaha. Waxaa igu dambeysey taraawiix aan tukado seddex sano ka hore. Ilaahay waxaan ka baryahayaa in uu dalkeyga ku soo celiyo xasiloonidii iyo deganaan’’ Ayuu Tarsan kusoo daabacay Faceboogiisa.
Mohamud Ahmed Nur Tarsan waxa uu Qoraalkiisa ku cadeeyay in Sanado kadib ay u suuragashay inuu ku dukado Salaadaha iyo Taraawiixda si degan oo ay kalsooni ku dheehantahay, wuxuuna walaac ka muujiyay Siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan Dalka oo sababay dhinacyada is heysta cabsi laga qabo ay ugu dukan weysanaayen Masaajida.
Dhanka kale, Mohamud Ahmed Nur Tarsan waxa uu kamid yahay Siyaasiyiinta kuwooda ay ugu jecelyihiin Bulshada waxa uuna shacabka ugu baaqay inay kawada shaqeeyan Degnaanta Dalka si loo helo nabad iyo Xasilooni.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com