Xog: Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Garsoorka iyo Gudomiyaha Maxkmada Sare ee Dalka oo banaanka usoo baxay

Saturday, July 12, 20140 comments

Waxaa banaanka usoo baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Wasiirka Garsoonka iyo Dastuurka Soomaaliya Faarax Cabdu Qaadir iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi Ilko Xanaf.

Khilaafka u dhaxeeya labada Masuul ayaa ka dhashay Ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Gudiga Adeega Garsoorka Dalka , waxaana qorshahan lagu asnxiyay Gudiga Adeega Garsoorka Dalka soo diyaariyay Wasiir Faarax oo uga gon leh in lagu kala diro dib u habeyna loogu sameeyo Gudiga Adeega Garsoorka Dalka ee hada dhisan.

Abuu Kaate Ceydiid Ilko Xanaf ayaa sheegayin Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka uusan awood u laheyn in uu soo magacaabo Gudiga Garsoorka Dalka , waxa uuna tilaamay in uu horey u dhisnaa gudiga garsoorka dalka uuna shaqadiisa wato.

‘’ Wasiirka Xaq u malahan in uu soo Magacaabo Gudiga Adeega Garsoorka dalka , Gudigan waa mid kamadax banaan Hay’adaha kale ee Dowlada Federaalka,mana aqaan sababta keeni karta in gudi dhisan hadana mid kale lasoo Magacaabo’’ ayuu yiri Ceydiid Ilko xanaf.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka ayaa sheegay in Wasiirka Garsoorka uusan xaq u laheyn in uu soo faragaliyo arimaha Garsoorka Dalka ,waxa uuna tilmaamay in ay tahay mid sharci daro ah tilaabooyinka uu Wasiirku qaaday.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay ansixintii Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Gudiga Adeega Garsoorka oo la tilmaamay in Qorshahaasi uu soo diyaariyay Wasiir Faarax Cabdu Qadair.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog