Daawo: Jaamacad ku taala Magaalada Muqdisho oo Dalka Kenya maydad kasoo qaadaneysa!!!

Saturday, July 12, 20140 comments

Jaamacad kutaala Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeesay Heshiis ay meydad kusoo qaadaneyso waxa ay la gashay Jaamacada Kenyatta ee ku taala Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Jaamacada Somali international University ee Magaalada Muqdisho ayaa Jaamacada Kenyatta la gashay Heshiis ay Dalka Kenya uga soo qaadaneyso Meydad ay ugu tala gashay in ay ku baraatikeeyaan Ardayda Caafimaadka Barata.

Maalinta beri oo axad ah ayaa lagu wadaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho laga soo dajiyo meydad gaaraya ilaa 5-meyd oo Kenya laga keenay kuwaa oo loogu tala galay in ay ku baraatikeeyaan Ardayda Qaliinka lagu baro Jaamacada SIU.

Jaamacada Somali international University ayaa noqoneysa Jaamacadii ugu horeesay oo Dalka Keenta Meydad si ay Ardayda barata Qaliinka ugu sameeyaan Baraatiko.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog