Xukuumada oo hubeesay Ciidamo ay Shacabka Magaalada Muqdisho ugu magac dareen IDIL ama IDAA

Friday, July 4, 20140 comments

Dowlada Soomaaliya ayaa hubeesay Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya oo Shacabka Magaalada Muqdisho horey ugu magac dareen IDIL ama IDAA ,kuwaa oo loogu arki jiray Isgoosyada Magaalada Muqdisho iyaga oon wax hub ah heysan.

Ciidamadan ayaa katirsan Booliiska waxa ayna wataan darees gaar ah , waxaana lagu arki jiray Isgoosyada Laamiga Maka Al-Mukarama iyaga oo intooda badan aysan wax hub ah wadan, taa oo keentay in Shacabka Muqdisho ugu magac daraan Ciidamada IDIL ama IDAA.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa isgoosyada Magaalada Muqdisho qaarkood waxaa lagu arkayay Ciidamadan Booliiska katirsan oo Qoryo wata ,kuwaa oo si feejignaan ah ugu sugan Isgoosyada Magaalada Muqdiso.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa isku dayaya in ay ka hortagaan qaraxyada iyo Dilalka kusoo kordhay Magaalada Muqdisho , waxaana wali qeybo badan oo Magaalada ka jira falal amaan daro oo kalifay in la dilo Masuuliyiin iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog