Xulka Qaranka Germany ee DFB ayaa 24 sano ka dib markii 4-aad waxay gacanta ku dhigeen Koobka Aduunka 2014 oo dalka Brazil lagu soo gabagabeeyay. Jarmalka oo xulka Argentina kula ciyaaray kulan Finaal ah garoonka Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro ayaa waxa ay ku badiyeen 1-0.
Ciyaartaan oo eheed mid adag waxaa inta badan Difaac ku jiray Xiddigaha Qaranka Argentina oo Jarmalka ku gaadayay Kubada loo yaqaan Koontada ee la isku xado. Kulankaan oo la is mari waayay waqtigii ciyaarta loogu tala galay ayaa waxaa lagu daray waqti dheeri ah, waxaana (daqiiqadii 113-aad) xulka Argentina Gool aad u qurux badan ka xareeyay laacibka 22-jirka ah ee u safta kooxda Fc Bayern Munchen waa ciyaaryahan Mario Götze oo kulankaan badal ku soo galay dhamaadkii ciyaarta (daqiiqadii 88-aad) .
Labada xul ayaa ciyaarta qeeybteedii hore waxay soo bandhigeen Weerar iyo weerar celis balse inta badan dhamaadkii kulankaan waxaa daalay qaar badan oo laacibiinta xulka Argentina ka mid ah marka laga reebo dhanka Difaaca Argentina oo bir ama darbi ahaa.
Xulka Qaranka Germany ayaa lagu wadaa in Maaliyada Funaanadooda ay ku toshaan xiddigta World Cup 2014, waxeeyna horay u soo qaadeen Koobka Aduunka sanadihii 1954, 1974 iyo 1990-kii oo ay sidoo kale xulka Argentina 0-1 kaga qaadeen.
Qaranka Argentina ayaa Koobka Aduunka waxeey qaadeen sanadihii 1978-kii iyo 1986-kii . Ciyaartaan waxaa la tabay oo ay ka taalay laacibka hogaamiya xulka Argentina waa ciyaaryahan Lionel Messi oo dadaal intaas ka badan laga sugayay.
In ka badan 74.738 qof ayaa u soo daawasho tagtay Fiinaalka kulankaan oo ka dhacay garoonka Maracana Stadium ee magaalada Rio de Janeiro waxaana marti sharaftii soo xaadirtay ka mid ahaa masuulka ugu sareeya xiriirka FIFA Joseph Blatter , Haweeneyda Raisul wasaaraha ka ah dalka Germany Angela Merkel, Madaxweynaha dalka Ruushka Mr.Vladimir Putin iyo haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Brazil Mss.Dilma Vana Rousseff .
XIDDIGAHA GERMANY VS ARGENTINA AYAA QAABKAAN ISKU FARA SAARAY :
Germany : Goolhaye Neuer - Lahm, Boateng, Hummels, Höwedes - Kramer (32./Schürrle), Schweinsteiger, Kroos - Müller, Klose (88./Götze), Özil (120./Mertesacker) .
Argentina : Goolhaye Romero - Zabaleta, Demichelis, Garay, Rojo - Lavezzi (46./Aguero), Biglia, Mascherano, Perez (86./Gago) - Messi, Higuain (78./Palacio) .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com