Dadweyne ka careesan guuldaradii xalay xulka Qaranka Arjantiin kasoo gaartay Germany ayaa dibad baxyo rabshada wata wax yar un kadib markii ay ciyaarta soo dhamaatay waxa ay ka sameeyeen wadooyinka waa weyn ee Caasimada Dalkaasi.
Dadka dibad baxa rabshadaha watay dhigayay ayaa u badnaa dhalinyaro taageereesay Xulka qaranka Arganjiin kuwaa oo kusugnaa fagaare weyn oo ciyaarta laga fiirsanayay , xaalada ayaana mar qura is badashay markii Xulka Arjantiin guul daro kala kulantay xulka Germany.
Dibad baxayaasha iyo Ciidamada Booliiska ayaa iska hor yimid , waxa ayna dadka dibad baxa dhigayay dhagxaan iyo waxyaabo kale ku tuurayeen Ciidamada Booliiska , waxa ay sidoo kale dibad baxayaasha bur burinayeen goobo ganacsi.
Wali lama oga qasaaraha ka dhashay Dibad baxa Rabshadaha watay ee xalay ka dhacay Caasimada Wadanka Arjantiin , waxaana dibad baxan mid ka duwan oo dareen farxadeedna wata oo si nabdoon isna u socday uu ka dhacay Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Germny.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com