Xog ay heshay Badweyn Online ayaa sheegeysa in rug cadaaga saxaafadeed isla markaana ah madaxii hore ee idaacada BBC laanteeda afsoomaaliga Yusuf Garaad Cumar in muddo dheer oo uu siyaasada u hanqal taagayey kadib uu haatan helay xil hoose oo madaxtooyada Villa Somalia looga magacaabi doono.
Yusuf Garaad ayaa u tartamey jagada madaxweynenimo isagoo ku hungoobay, waxa uuna in muddo ah guluf ugu jiray sidii uu uga mid noqon lahaa xildhibaanada Soomaaliyeed.
Sida ay warbaahinta xogta ku heleyso Yusuf Garaad ayaa iminka qabanaya xil aan laga fileyn, isla markaana lagu tilmaamey mid aad uga hooseeya wixii uu ku taamayey, xilkan loo magacaabi doono dhawaan ayaana ah afhayeenka madaxtooyada, isagoo madaxweyne Xasan Sheekh u noqon doona afhayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Yusuf Garaad uu aqbaley in xilkan loo magacaabo, ayadoo xogaha qaar ay leeyihiin waxaa ku kalifey in muddo ah oo uu baaga muudo ahaa isla markaana uu ugu xishay dhanka dhaqaalaha, halka warar kale ay intaas ku darayaan in Yusuf Garaad yahay nin xil jecel sidaas darteed uu doonayo inuu siyaasada meel uun kasoo galo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com