Walaal Ma Rabtaa Inaad Noqotid Qof Caqli Badan?

Sunday, July 20, 20140 comments

Ma dooonaysaa in aad qof maskax badan noqotid? ma doonaysaa se in aad caruurtaada ku caawisid in ay dugsiga kaalin sare ka galaan? ay helaan awood iyo firfircooni aad u saraysa?hadaba haday jawaabtu tahay haa… waa in aad siisaa naftaada iyo caruurtaadaba kaluunka nooca loo yaqaano Salmon!!

Kalluunka noocan ah ayaa waxa weeye mid loo amaanay caafimaadka, waa uu colories yaryahay amaba dux yar yahay isla markaana waa macaan, kaluunka Salmon-ku waxa aad ka helaysaa 415 Calories, 46g oo Protien ah, 0 Carbohaidrate, iyo 23g oo dux ah, waxaanuu ku qani yahy Acid-dha nooca loo yaqaan Omiga3 iyo duxda nooca loo yaqaan DHA.

kalluunka noocani waxa uu aad ugu wanaagsan yahay caafimaadka maskaxda, waxaanuu kamid yahay noocyada ugu wanaagsan ee kalluunka oo dhan, isaga oo raaci kara nooc kaste oo cunto ah ood quudanaysid, solomon-ku waxa uu qani ku yahay curiyayaasha loo yaqaan Zink, Iron, Niasein, Vitamin B12, Vitamin B6 iyo waliba waxyaabo badan oo maskaxdaadu u baahan tahay, waxa aanuu markaste la jaan qaadaa noocyada cuntada ee caafimaadka badan, waaayo kama koobna wax Carboheidrate ah, waxaana kale oo ku jira Vitaminno iyo macdan farabadan.

Acid-dha Omega 3 waxa ay u roon tahay in ay maskaxdu u shaqayso sida ugu fiican, waxaanay ka hortagaa xanuunka maskaxda ku dhaca ee loo yaqaan Zhimer, waxa kale oo ay ilaalisaa dahaadhka ku hareeraysan unugyada maskaxda.

hadaba sida ay sheegeen khubarada maskaxda ku xeel dheeri, waxa uu u kordhiyaa maskaxda ilmaha yar ee naaska nuugaya, waana lagama maarmaan inaad siiso ilmahaaga iyo naftaadaba ugu yaraan 2 jeer todobaad kaste.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog