Hadaba la soco qeybtii 18aad ee qisada xiiSada iyo Qalinkii WaaSuge: Faarax waxaa soo xaadirey dhamaan dareenkii dhagahiisa asagoo doonaya inuu u marqaati ahaado hadalka ka soo baxaya afka nadar ee ku saleysan natiijada la wada sugaayey, wuu laba bogleynayaa oo hadana hadalkiisu wuu is burinayaa, waayo malaha kalsooni uu qaadan karo ee ka caafiso ku adkeeyso sugida jawaabteeda.
Ugu danbeyntii: Si kooban aadna u naxdin badan waxay ku tiri Aboowe xaqiiqdu waxa aay tahay. Inaan ahay marwada labaad ee uu qabo adeerkaa cilmi, runta lama huraanka ahina waa taas eek u qanac waan ogahahay dhibaatada iyo waxyeelada kaa soo gaari doonta ma sahlana hayeeshee qadar dhacay canaan maleh, faarax ereygii ugu horeeyey ee afkiisa ka soo baxa waxuu ahaa yaah maxaad tiri abaayo, waxaan ahay marwada adeerkaa cilmi, miyaad iga dhaadhacsiin doontaa maya maya ma aamini karo hadalkaada, adiga sidaan kuma fiyoobid markaan waa in maskaxdaada la baaro oo la xaqiijiyo caafimaadkaa, asagoo ku soo biyo shubtey Alla Sir Naageed lagama sal gaaro waan maqli jirey maantase aniga ayeey dhabta ii saaran tahay, waxuuna ku soo gaba gabeeyey hadalkiisi BYE.
Faarax waxaa u biloowday waa cusub oo dhibaato iyo murugo ah waxuuna noqday mid aan xasil lahayn wax oo hadalkiisu is burinaayo hadba diiwaano kale duwan ka hadlaayo, wax ficil ahna ma uusan sameyn, waayo ma garan karo meesha uu ka bilaabo ama aay ku dhamaaneyso u badi inuu marba sawir uusan jeceleyn arko, ama soo xasuusto hadalo fara badan ee uu dheel dheel u qaatay.
Aduunyooy Xaalkaa Ba’ waa mar kale iyo ayaamahiiqaraaraa ee nolosha, madluun iyo maqane jooge waxaa usoo sadaxeeyey kali noolaasho dad kama war qabo, waxaana albaaba u laab mayn goobahii ganacsiga ee madaxda uu ka ahaa, waxuuna ku soo aruuray guriga iyo sariirta dusheeda.
Qaar ka mid ah shaqaalahii goobaha ganacsiga ayaa wacay milkiilahii ganacsiga oo ahaa adeer cilmi waxa aayna u sheegeen in 3 maalin aan wax shaqo ah kala socon isla markaana uu faarax aad u xanuunsan yahay, ayagoo intaa u raaciyey inuusan xataa la hadal wadaagin afkana kale fureyn. Dabcan adeer cilmi xog ogaal uma ahan in laga war qabo sirtiisee waxuu dalbaday in taleefoonka loogu geeyo si uu ula hadlo una wareysto waxa ku dhacay wiilka waana loo ogolaaday loo keeney.
Faarax wuu diidey inuu la hadlo adeerkiis cilmi, teleefoonkiina wuu iska leexiyey waana loo shegey in faarax diidey la hadalkiisa, waxuuna durba dareemey in xaaladu ka wayn tahay xanuunka caadiga ahaa, waxuu jirey taleefoonkii isla markiiba waxuu wacay nadar oo asaga oo aan salaamayn ku yiri. Naa heedhe miyad is maqasheen wiilkii aan adeerka u ahaa ee faarax amuse wax sir ah kaa heley.?
Nadar oo aan naxdin iyo baqdin ku jirtay ayaa ku tiri haa waan is maqalnay waana u sheegey wax walba oo jirey ama dhacay, runta rabi ayaa kugu jecel lama huraana waa cowska jiilaal intaan ka badan faarax ma qayaani karo beena uma sheegi karo, meeshaad iskala dhaceysana isla aada.
Anba dhamay qaraarkee waa inaad dhadhamisaa bey xaaladi ku soo aruurtay markaana waxaa madaxu waynaaday adeer cilmi oo inta taleefoonkii jarey yiri ceeb badanaa xageen aduunka ka cariirsadaa, aduunyo dib u xumeey, ka dibna inta taleefoonkii dansaday ayuu gaariga iska dhax galay oo dhabanada qabsaday, marna isteerinka gaarina madaxa saartay laga siman murugada.
Nadar waxay soo wacday adeer cilmi nasiib daro telkiisii waa dansan yahay, waxay wacday faarax nasiib xumo telkiisii waa dansan yahay, waxay qudheedu noqotay mid fila waa ku dhacay oo an kasta ka soo biyo galeen, meel aay kaga harto ayey waysay dabeeysha xun ee socoto ayaduna waa aay dansatay taleefoonkii kala daran sadaxdoodiiba ee yaa u u daran yaase dawayn kara dadkaan.?
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com