Bal Waa sidee xaalada degaanka Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose oo shalay dagaal looga qabsaday Al-shabaab?

Sunday, August 31, 20140 comments

Xaalad degenaansho aan caga badan ku taagneyn ayaa laga soo sheegayaa iney ka jirto degaanka Buulo mareer ee gobolka Sh/hoose oo shalay ay qabsadeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka dib dagaal faraha looga gubtay oo ay la galeen xoogaga Al-shabaab.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada huwanta ay difaacyo ka sameysteen hareeraha Buulo mareer si ay isaga caabiyaan xoogaga Al-shabaab oo laga yaabo iney soo qaadaan weeraro rogaal celis ah.

Gudaha degaanka Buulo mareer ayaa waxay ciidamada la wareegay shalay ugu tageen dad fara ku tiris ah oo degmadaas ku haray ka dib markii ay isaga carareen inta badan dadkii ku noolaa.

Saraakiisha dowlada Somalia ayaa sheegay iney guul u tahay qabashada Buulo mareer oo ay sheegeen iney aheyd fariisin muhiim u ahaa Al-shabaab oo halkaas maamuleysay shantii sano ee u dambeysay.

Balse afhayeenka Al-shabaab Shiikh abuu Muscab ayaa sheegay in Buulo mareer ay haatan tahay mid go’doon ah oo ciidankooda ay hareer walba ka fadhiyaan. Wuxuuna xusay in ciidamada qabsaday aysan jirin wax sahay ah oo dhulka loo marin karo.

Ugu yaraan 20 askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaaladii shalay ka dhacay inta u dhexeysa Golweyn iyo Buulo mareer, kuwaasoo isugu jira dhinacyada dagaalamay halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog