Uuro iyo Qaac ka baxaya xarunta nabad sugida G/Banaadir oo cirka isku shareeray iyo rasaas iyo qaraxyo weli la maqlayo.

Sunday, August 31, 20140 comments

Waxaa weli socda weerar xoogaga Al-shabaab ku soo qaadeen goor dhow xarunta nabad sugida gobolka Banaaadir Ex-godkii Jilacow, iyadoo xaalada goobtaas ay cakiran tahay.

Weerarkan oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay koontroolka ugu horeeya ee laga ilaaliyo xaruntaas, waxaana bilowday dagaal toos ah oo dhexmaraya rag aan tiradooda la aqoon oo xaruntaas weeraray iyo ciidamada nabad sugida ee halkaas ilaalada ka ahaa.

Illaaa afar qarax oo waaweyn ayaa la maqlay illaa hadda waxaana cirka isku shareeray qaac iyo uuro madow oo ka dhashay qaraxyada ka dhacaya xaruntaas, waxaana barbar socda rasaas xoogan oo dhinac kasta oo faniineysa.

Goob joogayaal degaankaas ku sugan ayaa sheegaya iney arkeen dhaawacyada dhowr qofood oo iskugu jira ciidamada dowlada iyo shacab loo sii wado goobaha caafimaadka, iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Al-shabaab ay gudaha u galeen xaruntaas ayna la dagaalamayaan ciidamada nabad sugida.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan dowlada ayaa goor dhow buux lagu daadiyey agagaarka xarunta nabad sugida G/Banaadir ee weerarku ka socdo, waxaamna sidoo kale la xiray dhamaan wadooyinka gala xarunta madaxtooyada, iyadoo gaadiidkii mari jiray wadooyinka goobahaas ku dhow dhowna ay joogsadeen.




La soco wixii soo korsha daqiiqad daqiiqad









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog