Xili Maanta Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ,Wasiirka Garsoorka iyo Wasiirka Maaliyada Xukumadda Soomaaliya iyo sidoo kale Saraakiil ka kala socota IGAD iyo AMISOM ay Gaareen Deegaanka Goobweyn kulana ay la qaateen Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa waxaa u suuro gashay Wafdigaasi in ay Magaalada Kismaayo ay Geeyaan Saraakiil la shaqeysa Barre Hiiraale.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiil ka mid ahaa Garabka Barre Hiiraale Kismaayo ay geeyeen Xubnaha wafdiga,kuwaas oo la sheegay in wada hadal Magaalada lagu geeyay.
Wariye Madaxbanaan oo lagu Magacaabo Faadumo Kiin Ciilmooge ayaa sheegtay in Caawa Saraakiishaasi la keenay Magaalada Kismaayo islamarkaana ay ku sugan yihiin Caawa Magaalada.
Amuurahaan ayaa imaanaya Xili Wafdiga Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ka socda ay Deegaanka Goobweyn u tageen sidii loo xalin lahaa Khilaafka uu tabanayo Cornel Barre aadan Shire “Barre Hiiraale” oo horey Kismaayo kula Dagaalamay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam.
Hoos Ka Daawo Sawirada Maanta
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com