Beelo cabasho ka muujiyay Qaabka loo qeyb saday Guddiga Farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe

Saturday, August 30, 20140 comments

Qaar kamid ah Beelaha Daga Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa qeylo dhaan waxa ay ka muujiyeen qaabka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya u qeybisay Guddiga Farsamo ee loogu tala galay maamul u sameynta Gobollada Dhexe .

Beesha Cabdalle Sabti oo ku abtirsata beel-weynta Murusade ayaa cabasho ka muujisay qaabka loo qeybiyay Xubnaha Guddiga Farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe gaar ahaan afarta Xubnood ee Beesha Murusade ka heleen guddigaasi.

Ururka Aqoonyahanka Beesha Cabdalle Sabti oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa muujiyay in ay kasoo horjeedaan Qorshaha Maamulka loogu dhisayo Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxa ayna tilmaameen in beelo badan xaqooqa la duudsiiyay wax wada tashi ahna aan lagala sameyn qorshaha maamul usameynta Gobolada Dhaxe.

Aqoonyahanada Beesha Cabdalle ayaa tilmaamay in ay dhaliilsan yihiin sida Beeshooda oo dagta Degmooyin iyo deegaano katirsan Gobolka Galgaduud xaqooda loo duudsiiyay, waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaameen in Jufada Sabti oo ka kooban Cabdalle Sabti iyo Majabe Sabti labadii xubnood ay Guddiaasi ka heleen la isugu daray oo la siiyay Majabe Sabti.

‘’Waan kasoo horjeednaa marna ma taageersanin qorshaha Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhaxe, waxaa noo muuqda in beelaha qaar xaqiraad lagu sameeyay xaqoodiina la duudsiiyay mana ahan mid aan taasi aqbali karno in labadii Xubnood ee Sabti la isugu daro Majabe sabti halka Cabdalle Sabtina aan xubin aan laga siin Guddiga’’ Ayuu yiri mid kamid ah aqoonyahanka Beesha Cabdalle Sabti.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan soo bandhigtay Magacyada Xubnaha Guddiga Farsamo ee maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, waxaana Guddigan la dhisay durba dhaliilay kana soo horjeestay qaabka loo qeybsaday beelo daga Gobolada Dhaxe ee Dalka Soomaaliya.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog