Daawo Wasaaradda Boostada Somalia oo qeybo cusub ku soo kordhisay adeegga Boostada Dhawaana bilaabeysa

Saturday, August 30, 20140 comments

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Mudane Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa lagu sheegay in wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ay bilaabeyso horraanta Bisha October ee sannadkan adeeg cusub oo lagu fududeyn doono Waraaqaha Boostada ee loo diri doonno Muwaadiniinta Soomaaliyed, isagoo tilmaamay in wasaaraddu ay waddo qorshe qof walba gurigiisa loogu geyn doono, taas oo uu xusay in ay tahay fursad cusub oo ay Shacabka Soomaaliyeed ka faa’ideysan doonaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa yiri “Qorshahan in muddo ah ayaan wadnay, waxaana ku dadaali doonaa sidii xiriirka Warqaadaha Boostada ee dadka dibedaha looga soo diro inaan si sahlan ku gaarsiinno qof walba halka uu jooga, arrinta ayaa ah mid salka u dhigeysa horumarinta adeegga Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan waajibaadka ka saaran wasaaradda Boostada Soomaaliya”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada Soomaaliya ayaa carabka ku dhufay in qeybaha ay wasaaraddu soo kordhisay in ay ka mid yihiin sameynta Email-lada oo ka bilaaban doona magaca muwaadinta doonayo adeeggaasi, “ waxa uu yiri tan ayaa dadkeenna gaarsiineysa in ay la mid noqdaan dadka dunimada horumartay oo lagama maaraan ay tahay in la ballaariyo, waxaana sidoo kale uga faa’ideyn doonaa dhammaan hey’adaha dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa gaarka loo yeelahay”.

Ugu dambeyntii agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa uga mahadceliyey Bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu xeran yihiin qaadashada iyo sameynsashada adeegyada Boostada, waxa uuna ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu fududeyn lahayeen adeegga ay ka soo raadsadaan wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog