Cali Khaliif Galayr oo goordhaw loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka . (Daawo Sawirada)

Thursday, August 14, 20140 comments

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ah Siyaasi caan ah horeyna Soomaaliya uga soo noqday R/Wasaare ayaa goordhaw waxaa loo doortay in uu Noqdo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State .

Waxaa Maanta doorasho lagu dooranayay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State waxa ay ka dhacday deegaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool, waxaana doorashada ku tartamayay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Maxamed Juusuf Jaamac Indha-sheel.

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa doorashada maanta dhacday waxa uu helay Codad gaaraya 21-cod halka Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi isna uu helay 9-cod.

Hadal kooban uu jeediyay Madaxweynaha Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr ayaa u mahad celiyay intii dooratay iyo kuwa aan dooran waxa uuna balan qaaday in uu wax qabad muuqda dhawaan la imaan doono.

Maamulada Somaliland iyo Puntiland oo daris la ah Deegaanada Maamulka Khaatumo State ayna isku heestaan labadaasi maamul ayaan wali ka hadlin doorashada maanta lagu doortay Madaxweynaha Khaatumo State.

















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog