Daawo Sawirada Kooxda Banaadir SC oo casho sharaf Qiimo badan loogu sameeyay magaalada Kigali ee dalka Rwanda

Thursday, August 14, 20140 comments

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Kigali ee dalka Rwanda, Cabdullaahi Sheekh Maxamed ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Kigali kooxda kubadda cagta Banaadir Sports Club oo ka qeyb-galeysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee ka socda dalka Rwanda.

Safriirka ayaa ku dhiiri geliyay ciyaartoyda dadaalka ay wadaan, isagoo ugu hambalyeeyay ka qeyg-galka tartanka maadaama ay yihiin kooxda heysata horyaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha kooxda Banaadir SC Abuukar Maxamed Sheekh oo hoggaaminaaya kooxda ku sugan Rwanda, ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo dhiiri-gelinta oo uu ku tilmaamay in ay siisay ciyaartoyda niyad wanaagsan.

Qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Rwanda, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiinta safaaradda ayaa ka qeyb-galay cashada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda kooxda Banaadir SC.

Kooxda Banaadir SC ayaa guul-darreysatay laba kulan oo ay ka ciyaartay guruubka C oo ay kaga jirto tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa oo ay ka qeyb-galayaan 14 koox, waxeyna kulanka ugu dambeeyo la ciyaari doontaa kooxda marti-geliyeyaasha ah ee Police maanta oo Khamiis ah.




















_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog