Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamo tiro badan uu watay oo maanta lagu soo dhaweeyay Garoonka Madhamaato ee Magaalada Kismaayo

Saturday, August 30, 20140 comments

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maanta ciidamo tiro badan uu hogaaminayay Col.Barre Aadan Shire Hiiraale ay gaareen Magaaladaasi si weyna loogu soo dhaweeyay.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo Xubno katirsan Maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta Magaalada Kismaayo waxa ay kusoo dhaweeyeen Col.Barre Hiiraale iyo ciidamo badan uu watay kadib markii lagu guuleestay in Barre Hiiraale uu Nabada qaato kana tanaasulo dagaal.

Ciidamada uu watay Col.Barre Hiiraale ayaa la dajiyay Garoonka Madhamatao ee Duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi loo qorsheeyay ciidamadan in la dajiyo kahor inta aan lagu biirin Ciidamada Maamulka KMG ee Jubba.

Sida aan Wararkaku heleyno Col. Barre Hiiraale iyo ciidamadiisii waxaa garoonka Madhamaato kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/laahi Goodax Barre, Wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka dastuurka iyo arimaha garsoorka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir, wakiilka IGAD ee Soomaaliya Mudane Max'ed Cabdi Afeey, madax ka socotay beesha Caalamka iyo masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Jubba.

Col.Barre Hiiraale oo Dagaal looga saaray Magaalada Kismaayo ayaa mudo kabadan sanad waxa uu kusugnaa Deegaanka Goob-weyn ee Duleedka Magaaladaasi,waxaana dhawaan Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ku guuleestay in Barre uu nabada qaato uuna kusoo laabto Kismaayo si uu uga qeyb galo Shir Dib-heshiisiin ah oo bishan ka dhacaya Magaalada Kismaayo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog