Bangiga Shahwada Qaranka (national sperm bank) ayaa markii ugu horaysay laga aasaayaa dalka Ingiriiska si looga jawaabo baahida iyo dalabka badan ee ka imaanaya shacabka waddankaasi.
Lamaanayaasha kala jinsiga ah iyo kuwa isku jinsiga ah ayaa adeegaan ku intifaaci doona, waxaa sidoo kale ka faaiidaysan kara haweenka aan la qabin iyo kuwa la soo furay ee nin la’aanta ah (single women and single mothers). Jinsiyadaha laga tirada badanyahay ayaa sidoo kale waxay awood u yeelan doonaan inay helaan shahwo dadkooda ah.
Hawshaan ayaa waxaa tantaabin doono Ururka loo yaqaano National Gamete Donation iyo Isbitaalka Haweenka ee magaalada Birmingham.
Banigaan ayaa la rajaynayaa in la furo horaanta bisha soo socota October ee isla sanadkaan aan ku jirno.
Mashruuca lagu dhisayo Bangiga shahwada ayaa waxaa ay wasaaradda caafimaadka Ingiriiska u qoondaysay in lagu hirgaliyo dhismihiisa adduun gaaraya £77,000.
Xarunta bangiga waxaa laga dhex hirgalin doonaa Isbitaalka Haweenka Birmingham, waxay sidoo kale diyaarin doonaan barnaamijyo lagu soo jiidanaayo ku deeqayaal shahwo. Baarintaan kadibna shahwadu waxaa la dhigi doonaa bangiga. Madaxa Isbitaalka haweenka Birmingham ayaa hadalkaasi ka dhawaajisay.
“Waxaa hadda jira baahi guud oo la xidhiidha yaraanshaha shahwada, dalabka maalinba maalin ka dambaysa wuu sii korayaa, in la daaweeyo dadka waayay deeq shahwo waa dhib kaloo wayn, ayay sii raacasay madaxa Isbitaalka haweenka ee Birmingham.
Masuuliyiinta Hayadda National Gamete Donation ayaa iyagana tilmaamay in bangigu yarayn doono tirada dadka u buka helidda inay helaan Shahwo kuwaasi oo mararka qaar naftooda khatar galin kara iyagoo isticmaalaya deeqo shahwo oo aan sharciyaynayn.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com