Godka Hoose ee loo maro qolalka dhar bedeleshada garoonka Parc de Princes ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxaa ka dhacday rabshad dhammaadkii kulankii PSG iyo Bastia 2-0.
Kaamirooyinka ku dheganaa halkaasi ayaa soo gudbiyay ciyaaryahan Brandao oo ka tirsan Bastia uu herti ula kac ah wejiga kaga dhufanaya Thiago Motta oo ka tirsan PSG, waxaana kaddib halkaasi ka dhashay is qab qabsi laacibiinta labada koxood dhexdooda ah illaa markii dambe raggii ammaanka sugayay.
Maalqabeenka leh PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa la arkayay isagoo dejinaya ciyaaryahan Thiago oo Sankiisu dhiig ka socdo, waxaana Milkiiluhu sheegay in arrintani ay sharaf dhac ku tahay kubadda cagta Faransiiska.
Ciyaaryahanka wax hertiyay oo sida cad ay Kaamiraduba ku marqaati furi doonto ayaa laga yaabaa in uu muteysto ganaax culus.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com