Yar Aan Isjecelnahay Waxuu Jecelyahay Inuu Mar Walba Ila Baashaalo

Wednesday, August 20, 20140 comments

Asc,  magaceygu waa nasteexo, waxaan rabaa inaad ila talisaan. wiil ayaan is jecel nahay. waana kulanaa marka aan kulano wuxuu jecel yahay inuu ila bashalo. bashaalka ma ahan mid bikro nimadayda wax u dhimayaa laakiin.Wuxuu jecel yahay inuu i salsalaaxdo oo mac iga siiyo afka waana u shegey inaanan ka helin arimahaas. Aniguna kama maarmo hadii aan cayrin lahaa….plzzz iila taliya.

Talo celinay bahda Qurbo Magazine ay u jeedinayaan gabadhaan
Wcs walaal wiil inaad jeclaato ama lagu jeclaado waxa ka wayn oo aad iyo aad uga sii qiimo badani waa naftaada, karaamadaada, sharaftaada, ixtiraamka naftaada, waxaasoo dhana waxaa kasii wayni waa xukunka Ilaahay iyo dariiqiisa oo laraaco. Waxaad sheegtay inaadan ka maarmin wiilkan, hadiiba ay heerkaas kaa taagan tahay maad guursatid walaal inta aad xaaraanta ku dhacaysaan hadiiba aydan naftiina hanan karayn.

Arinta ah bikradayda waxba uma dhibayso, walaalo bikradii ayaa kaala waynaatay miyaa qiimihii ay lahayd Nasteexo, walaalo sow ma ogid bikradan kaala waynaatay sharaftaadii inay tahay wax daqiiqado gudahood ku baaba’a, sharaftaaduse waa ta waligaa kula joogaysa aduun iyo aakhiraba.

Bikradu kaliya maaha sida ay dadka badan koodu u fahansanyihiin xubinta yar ee jidhka gabadha ku taala kaliya inay tahay, bikradu intaas way ka wayn tahay walaal, bikranimadu waxa weeye walaal jidhkaaga inuuna nin wali taaban, taabashadaas oo looga jeedo inuuna nin ku dhunkan, ku salaaxin, inuuna nin dareenkaaga gaadhsiin heer aad u dhawaato inaad isu wada dhiibto.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog