Fannaanada caanka ah ee Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo), ayaa u mahadcelisay taageerayaasheeda Dalalka Isu-tagga Imaaraadka oo ay ku maqnayd muddo bil ku dhow, halkaasoo ay ka dhigtay laba show oo waaweyn, waxa kale oo ay si weyn ugu mahadcelisay asxbaata sida gaarka ah u soo dhawaysay ee ku sugan Dubai.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa taageerayaashayda ku nool Isu-tagga Imaaraadka iyo asxaabta qaaliga ah ee sida gaarka ii soo dhaweeyay mudadii aan joogay Dubai, waxaan idiin hayaa cisi, sharaf iyo karaamo, abaalkiinana ma ilaabi doono, waxaan dhammaanteen inoo rajaynayaa barwaaqo iyo nooli kulantee..” ayay tidhi Yurub Maxamed Cabdi (Geenyo) oo la soo xidhiidhay shabakadaan, iyadoo maanta ku laabatay magaalada Hargeysa.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com