Sawirka todobaadkaan laga soo qaaday Muqdisho wuxuu tilmaam foolxun ka bixinayaa halkeey taagan tahay madaxbanaanida iyo sharaftii Jamhuuriyadda Somalia. Ma rabo inaan ka faalooda laakiin waxaan kaliya ciwaan uga dhigayaa:- SHARAFI DHIMATAY SOOMAALIYEEY???? Wiilkii taariikhda loogu qoray Libaaxa-Geesigii sanka dhuubnaa ee Midabka dhalaalka casaan raaca lahaa- Halyeeygii hogaanka Mustaqbalka dalkeena - Askarigii Jamhuuriyadda Somalia ee Daljirka Qarankeena Soomaaliyeed? Hadii Muqdisho ay ku baarayaan Ciidankii ajnabiyiinta Amisom ee aan ku kala duwanahay Diinta -lahjada,dhaqanka-Urta iyo muuqaalka? MAXAA HARAY OO LEEYSKU HEEYSTAA?
Askariga Somaliga ee daljirka Qarankeena Soomaaliyeed wuxuu bishii qaataa lacag ugu badan boqol dollar,waxaana laga yaabaa inuu shan bilood ama sanad waxba qaadan halka Askariga baaraya ee ajnabiga uu bishii Mushaar u qaato laba kun oo dollar lacag ka badan?
Waa markii ugu horeeysay taariikhda askari dalkiisa uu ku baaro askari ajnabiya,iyadoo dalku xor inuu yahay Warbaahinta laga sheego.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com