Lammaane u dhashay dalka Ingiriiska oo jacaylkoodu sannadkii 1972 ka dhashay xaflad qoob-ka-ciyaara oo ay ku kulmeen, kuwaasoo 42 sannadood sugayey in ay is guursadaan, ayaa toddobaadkan gudahiisa arooskooda qabsaday.
Lammaanahan jacaylkoodu muddada dheer qaatay oo la kala yidhaah; David Barker iyo Daphne Thorp, ayaa afartankii sanno ee u dambeeyey ku rajo weynaa in ay is guursadaan, waxaanay tilmaameen in aqalgalka aanay ku degdegin, kulankoodii u horreeyey ee ay isku jeclaadaana 42 sanno ka hor uu ahaa.
Haweenayda oo sannadkii hore wadne-xannuun haleelay ayaa ku dhalisay in lammaanahan ay is-guursadaan, balse waxa cajiib noqotay in fargalkii lagu mehersaday uu le’ekaan waayey waqtigan.
“Waxaan si dhaqso ah u xaqiiqsaday in aanan sii da’ yaraanayn marna, siina noolaan karin 40 sanno oo kale, sidaa daraadeed iminka aannu is-guursanno, waanuna samaynay sidaas,” ayey tidhi Mrs. Thorp.
Xafladda arooskooda oo lagu beegay sannad-guurada dhalashada 82aad ee Mrs. Thorp waxa soo dhawaynta qabanqaabinaysay gabadh ay dhashay labadoodu.
Haweenayda ayaa laba carruur ah u dhashay nin hore, waqtigaas oo ahayd intii ay u hirgeli wayday in lammaanahan is guursadaan amma dhallinyarada isku calfadaan.
Xafladda arooskooda oo ay ka soo qaybgaleen 30 qof, ayaa sheegtay in dhaqanku aad isu beddelay, guurkay taqaanay iyo ka hadduna aad u kala duwan yihiin.
Carruuska waayeelka ah ayaa sheegay inuu intaas oo sanno aad u jecla haweenaydan, sugaayeyna inuu fursadan oo kale helo.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com