Daawo Muuqaal Ahaan Xerada Xalane oo lagu soo bandhigay Hubkii iyo Maleeshiyaadkii Daacada u ahaa Axmed Daaci!!

Saturday, August 16, 20140 comments

Ex-Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) oo dagaal culus la galay Ciidamada Nabad Sugida Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa waxa uu ahaa shaqsi si aad ah looga garanayay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Madiina iyo nawaaxigeeda.

Masuulkaan oo lagala wareegay hub aad u fara badan wuxuu Qabiil ahaan ka soo jeedaa beesha Hawiye, Abgaal, Wacbuudhan, Daa'uud, waxaana lagu hayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia halka maleeshiyaadkii u dagaalamayay iyo hubkoodiiba lagu soo bandhigay Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan Xarunta Xalane .

Lama oga sida ay ka yeeli doonto dowlada Soomaaliyeed masuulkaaan maadaama weerarkii lagu qaaday ay ku naf waayeen dad badan waxaana ku bur burtay hanti fara badan. Ma ahan markii ugu horeeyay oo ay ciidamada Nabad Sugida weeraraan hogaamiye hubeeysan balse dhoor joor oo hore ayaa waxaa hubkoodii lagala wareegay ganacsato iyo masuuliyiin caan ka ah magaalada Muqdisho .











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog